Al-Shabaab oo weerar lagu qaaday loogu burburiyay gaadiid

Al-Shabaab oo weerar lagu qaaday loogu burburiyay gaadiid

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Weerarkan ayaa lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab ayaa waxay dowladda shaacisay in lagu dilay ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda, kooxda wuxuuna ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir, ee gobolka Galgaduud.

Howl galka oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Xilliga uu weerarkan dhacayay ayaa Al-Shabaab la sheegay in ay qalanayeen Geel ay ugu talagaleen ciida Carafo, balse waxaa mar qura duqeyn la helay diyaaradaha dagaalka ee hawada ka taageera ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Federaalka.

“Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri mar kale.