Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku qaaday Caad

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku qaaday Caad

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaysa weerar culus oo saakay Al-Shabaab, ku qaadeen degmada Caad, ee gobolka Mudug kaas oo ku billowday qaraxyo waa weyn iyo dagaal toos ah.

Weerarkan ayaa Al-Shabaab, ku qaadeen saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka, iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo markii hore Al-Shabaab, ka saaray deegaanadaasi.

Goobjoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyay weerarkan in uu sababay khasaare xooggan oo labada dhinac ah, kaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse lama oga tirada rasmiga ah.

Dowladda Federaalka, oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa sheegtay in ciidamada DF ay ka hortageen islamarkaana ay jabiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, ee weerarka soo qaaday.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar” ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay xogta weerarkan horey u haayeen islamarkaana ka hor tageen sidoo kalena khasaare xooggan ay gaarsiiyeen.

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta” ayaa lagu yiri mar kale warsaxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Dhanka kale ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata weerarada ka dhanka ah, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Waxaa jirta xaalad kacsanaan oo weli waxaa la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa ka socda weli gobollada dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda islamarkaana laga saaray dhul ballaaran, sida Mudug qeybo ka mid ah, sidoo kalena Shabeellaha Hiiraan, Galgaduud Shabeellaha Dhexe, iyo Hoose.