Laba eedaysane oo loo qabtay dilka iyo jarjarista jidhkeeda ardayad

Laba eedaysane oo loo qabtay dilka iyo jarjarista jidhkeeda ardayad

Nairobi (Raxanreeb) — Laba tuhmane oo kale ayaa loo soo qabtay dil iyo jir dil loogu geystay dalka Kenya.

Dil ka argagixiyay dalka, jirka Rita Waeni 20 jir ah oo la jarjaray, ayaa laga dhex helay boorsooyin qashin ah oo yaalay guri kuwa la kireysto ah oo ku yaal caasimadda Nairobi, 14kii Janaayo.

Madaxeeda ayaa la la’yahay, waxaana la maqan telifoonkeeda iyo alaabo kale oo gaar ah.

Labada nin oo Booliska Kenya ay sheegeen in ay u dhasheen Nigeria ayaa ka soo muuqday Maxkamad, balse weli wax dacwad ah laguma soo oogin.

Booliska ayaa weydiistay garsooraha maxkamadda ogolaansho ah in raggan xabsiga lagu sii hayo ilaa 31-ka Janaayo, maadaama baaritaankoodu uu socdo. Sidaas ayuuna garsooruhu ku aqbalay codsigooda.

Afar qof oo Kenyan ah ayaa sidoo kale u xiran dilka iyo hal qof oo ku safrayay baasaboorka Mozambique oo la qabtay xilli uu doonayay inuu dalka ka dhoofo.

Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay labada eedaysane ee cusub in lagu kala magacaabo William Ovie Opia iyo Johnbull Asbor.

Opia waxa uu haystay Baasaboor Nigerian ah oo dhacay, halka Asbor uu lumiyay Baasaaboorkiisa laba sano ka hor, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay alaabo badan oo yaalay guriga ay degan yihiin dadka la tuhunsan yahay, sida mindida hiliblaha iyo gudin/masaar yar oo looga shakisan yahay in loo adeegsaday dilka iyo jarjarista gabadhan oo ahayd ardayad jaamacadeed, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa booliska.

Bbc