Al-Shabaabkii ugu badnaa oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbdeed ayaa kusoo bandhigay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo gaaraya illaa iyo 8 xubnood oo isku soo dhiibay ciidamadaasi.

Xubnahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa u qaabilsanaa qeybaha kala ah, Jabhadaha iyo Xisbada.

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka qeeybta Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa soo bandhigay maalmahan illaa iyo 25 xubnood oo iska soo dhiibay kooxda Al-Shabaab.

Isku soo dhiibistan ayaa kusoo aadeysa xilli uu ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, wojiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab.

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Dhanka kale Galmudug, iyo Jubbaland, ayay iska soo dhiibeen xubno badan oo muddo ka barbar dagaalamayey argagixisada, kadib markii ay u adkeysa waayeen nolosha adag ee duurka ku heysata kooxda.

Horjooge Hanad oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka ee ku sugan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ninkaas ayaa xiriir la soo sameeyay saraakiisha ciidanka, isagoo ku wargeliyay inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, isla markaana uu diyaar u yahay inuu isku dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya.

Hanad, ayaa sheegay in muddo ka badan 7 sano uu ka tirsan Khawaarijta, balse hadda uu adkeysan waayay nolosha sii xumaaneysa ee Khawaarijta ku heysata duurka fog oo ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ay ku baacsanayaan.

Inkastoo deegaanada qaar ay ka socdaan howlgallo culus, sida Jubbaland, hadana waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dagaalo culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaami doono.

Xasan Sheekh ayaa mar kale u guuraya Dhuusamareeb, si dagaalka uu halkaas uga hoggaamiyo, loona soo afjaro Shabaab-ka jooga Galmudug, kooxda ayaa weli ku harsan deegaanada fog ee bariga Galmudug oo degmada Ceelbuur ay ugu weyn tahay.