Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka Muqdisho

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay dagaalyahannada Al-Shabaab, soo buux dhaafiyeen agagaarka degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Qaasim Furdug, guddoomiyaha degmada Balcad, ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaabkii, ugu badnaa ay soo gaareen duleedka meel u dhow degmada Balcad.

Furdug, ayaa xusay in kooxda ay isku uruursanayaan deegaano hoostaga degmada Balcada loona baahan yahay in laga hortago.

Sidoo kale guddoomiyaha wuxuu xusay in Shabaabka isku uruursanaya aagga Balcad, ay ka yimaadeen Shabeellaha Hoose, ayna rabaan in ay isku fidiyaan deegaannada gobolka Hiiraan.

Qaasim Furdug, guddoomiyaha Balcad ayaa intaasi ku daray Al-Shabaabka isku uruursanaya duleedka Muqdisho aagga Balcad, ay aad u qalabeysanyihiin ayna wataan Drones-yada lagu basaaso meelaha muhiimla ah.

Balcad, xaaladda ayaa haatan ah, mid kacsan maadaama dadka ku dhaqan degmadaasi ay soo food saartay cabsi xooggan oo ka qabaan Shabaabla isku uruursanaya aaggaasi.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii weerar culus oo qaraxyo ku billowday kooxda Al-Shabaab, ku qaadeen degmada Balcad kuwaas oo markii danbe ay jabiyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro laga soo qaaday degmada Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xooggan iyo uuro qarisay degmada Balcad inteeda basan oo ay subax hore weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug, oo ka warbixiyay weerarkaasi ayaa sheegay in laga hortagay weerarka Al-Shabaab, ayna ka dileen illaa 11 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankaas cadowga ah waxaan kula dirirnay magaalada bannaankeeda, laakiin burburka waxaa keenay baaxadda qarax gaari oo ay soo adeegsadeen. runtii jab xoogan aa gaaray Khawaarijta 11 nin ayaa goobta looga dilay, dhaawacana wa ka badan yahay” ayuu yiri Furdug.