Nin ku eedeysan in Mareykanka lacag ka lunsaday oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya, ayaa qabatay nin ku eedeeysan in uu malaayin doollar kasoo lunsaday magaalada Minyaabolis ee gobolka Minisoota ee dalka Mareykanka.

Madaxa FBI-da ee Minneapolis Christopher D. Dotson ayaa oga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo qabashada Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle oo ah muwaadin soomaaliyeed oo khamiista lagu xiray Soomaaliya.

“Qabashada Cabdikariim Ciidle waxay fariin u diraysaa dhammaan dadka baxsadka ah: FBI-du waxay awood u leedahay inay raadiso oo ay soo qabato meel kasta oo ay dunida kaga dhuuntaan. Waxaan sidoo kale uga mahadcelineynaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) wada-shaqeyntii ay ka geysteen soo qabashadiisa.” Ayuu yiri Christopher.

Cabdikariim Ciidle ayaa kamid ah Soomaali badan oo lagu soo oogoy dacwado musuq-maasuq oo ka geysteen gudaha Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe la tilmaamay inay ku raad joogtay shaqsigan, iyada oo ugu dambeeyn kusoo qabatay howlgal ay ciidanka nabad sugida ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.