Ardey jaamacadeed oo Afduub loo haystay dalka Nigeria oo la soo furtay kaddib is rasaaseyn dhacday

Ardey jaamacadeed oo Afduub loo haystay dalka Nigeria oo la soo furtay kaddib is rasaaseyn dhacday

Lagos (Raxanreeb) — Koox ardey jaamacadeed ah iyo dhibanayaal kale oo lagu afduubtay waqooyiga Nigeria ayaa la soo badbaadiyay Axadii, sida masuuliyiinta wadankaasi ay sheegeen.

Rag hubeysan ayaa weerarray Jaamacadda Confluence ee gobolka Kogi habeenimadii khamiista, iyagoo halkaa ka afduubtay sagaal ardey.

Dadka afduubka loo haystay ayaa soo badbaadiyay ciidamo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada amaanka ka tirsan, kuwaas oo ragga afduubka sameeyay ay isweydaarsadeen rasaas, sida uu sheegay xoghayaha warfaafinta gobolka Kogi Kingsley Femi Fanwo.

Mr Fanwo ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo badbaadiyay loo qaaday isbitaalka, si caafimaadkooda loo hubiyo.

‘’Ciidamada amaanka wali waxay hawgal ka wadaan keymaha si ay u hubiyaan in dhammaan aredyda la afduubtay la helo, guryahoodana dib loogu soo celiyo.’’ Ayuu intaas ku daray.

Nigeria ayaa waayadan la tiicaysay afduub ay geysanayaan rag mishiidiya ah, kuwaas oo afduubtay boqollaal dad ah, tan iyo markii uu bilowday sanad kan, kuwaas oo badan kood ka dhacay waqooyiga galbeed ee wadankaasi.

In badan oo kamid ah dadka la afduubtay ayaa la sii daayay, qaarkood lacago madax furasho ah ayaa laga bixiyay.