Arrimaha Bulshada : Hoos u dhacay ku yimid qiimaha shidaalka

Muqdisho (Raxanreeb ) Hoos dhac dhanka Qiimaha ayaa ku yimid suuqyada Shidaal lagu  iibiyo ee  – magaalada Muqdisho sida ay sheegeen  ganacsatada shidaal.

Waxa ay sheegeen ganacsatadan in in qiimaha shidaalka uu gaaray maalmahan 8.7-centi taas oo ay soo dhaweeyeen wadayaasha gadiidka.

Qiimaha shidaalka ayaa markii hore ahaa 10-kii liter 10  doolar , waxaana muuqanaysa in hoos uu – u dhacay.

Ganacstada Shidaalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbedelkan uu jiray maalmihii la soo dhaafay.

Dhanka kale qaar ka mid ah wadayaasha Bajaajyada magaalada Muqdisho ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay hoos u dhaca ku yimid qiimaha shidaalka suuqyada caasimadda

Si kasta is bedel xaga qiimaha ayaa maalmahan ka jiray qiimaha shidaalka , taas oo keentay in walaac ay ka muujiyaan arrintaas Ganacsatada iyo wadayaasha noocyada gadiidka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.