Saciid Deni & su’aalaha ku gadaaman safarkiisa Imaaraadka Carabta

Saciid Deni & su’aalaha ku gadaaman safarkiisa Imaaraadka Carabta

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la soo sheeegayaa in maalmahan soo aadan uu safar ku tagi doono  Imaaraadka carabta oo fara galin ku haya arrimaha Soomaaliya.

Safarka Madaxwaynaha Puntland markii uu soo baxay ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedooyinka gaarka ah ee ee Saciid Deni ee safarkiisa dalka Imaaraadka Carabta.

Guuxan ayaa yimid ayaa yimid markii dhawaan sahmin uu  ku soo sameeyay Marinka Guardafuiu oo la hadal-hayo in saldhig ciidan laga siinayo dowladda Imaaraadka Carabta sida ay sheegayaan ilo – dhaw safarka Madaxwayne Saciid Dani.

” Waa xaqiiq in Madaxweyne Deni uu dhawaan u safrayo halkaas iyo Dubai balse xog intaas ka baxsan nooma sheegin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxwaynaha Puntland socdaalkii maalmo ka hor uu ku tagay deegaanada xeebta ah ayaa ahayd  sahminta saldhig Gardafuu laga siiinayo Imaaraadka Carabta  , maadama uu danaynayo Imaaraadka  xeebaha maamulka Puntland inuu ka dhigto saldhig ciidan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa la saadalinayaa in culays xagga siyaasadda ah uu kala kulmi   doono talaabadan saldhiga ciidan ee imaaraadka Carabta maadama Olole doorasho oo la dhaliilayna docda kale ay kaga furan yihiin.

Si kastaba waxaa la dhawrayaa sida uu noqon doono iyo natiijada laga filan karo , qorshaha safarka Madaxwaynaha Puntland ee Imaaraadka carabta  ee saldhiga ciidan ugu samaysanaynayo imaaraadka Carabta Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.