Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaanka Garasbalay ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ciidanka Dowladda ay ku toogteen xubin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al- Shabaab.
Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dilka kadib ay Ciidamada sameeyeen howlgallo kale oo ammaanka lagu xaqiijinayay.
“Isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu dilay dhagarqabahaas oo qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
Lama faahfaahin qaabka uu weerarkan u dhacay, hase ahaatee goob joogayaal ku sugan degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in meydka ninka hubeysan uu yaallo goobta lagu dilay.
Leave a Reply