Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidan ka wada- tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska hor imaadyo hubaysan waxay ku dhaxmareen waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadkan waxa uu ka dhacay meel kaabiga ku haysa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya halkaas oo ay ku dagaalameen ciidan boolis ah iyo kuwa militiri.
Inta uu socday dagaalkan waxa uu saamayn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku nool xaafado ka mid ah degmada Dayniile gaar ahaan xaafaha Haanta dheer loo yaqaano ee ku dhawa wasaarada gaashaandhigga.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo booliska ku amreen inay ka guuraan dadka shacabka ah ee deggan.
Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana ay maqlayeen rasaasta ay si weydaarsanayeen labada ciidan.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaalia saraakiisha ma aysan ka hadal dagaalkan oo gaystay khasaare iyo cabsi uu ku abuuray dadka deegaankaas sida ay ku warameen goobjoogayaasha.
Leave a Reply