Ciidamo dowladda kawada tirsan oo Muqdisho ku dagaallamay

Ciidamo dowladda kawada tirsan oo Muqdisho ku dagaallamay

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho,ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degmada Dayniile, gaar ahaan Haanta Dheer, ayaa ku dagaallamay ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Millatariga Soomaaliya.

Isfaham darrada dagaalka ka dhashay ayaa keentay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Haanta Dheer kuwaas oo deggan dad shacab ah, oo booliska ay ku wargeliyeen in ay isaga guuraan halkaasi.

Booliska amarka kasoo baxay kaddib ayaa halkaasi waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan millatariga kuwaas oo qaab beeleed ku yimid iyagoo diidan shacabka halkaasi laga barakicinayo.

Dad ku sugan halkaasi ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu aad u cuslaa isla markaana uu qaatay saacado fara badan.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay halkaasi, sababtoo ah, waxay ahays xilli habeen ah, oo migdi ah.

Ma jirto wax hadal ah, oo kasoo bacay weli laamaha amniga qeybahooda kala duwan oo ku saabsan ciidamadan kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tani ma ahan markii ugu horreeysay oo ay dhul ku wada dagaallamaan ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya horeyna ay u dhacday taasoo sababtay khasaarw kala duwan sida dhimasho dhaawac iyo bur bur hantiyadeed.

Muqdisho, ayaa ka socda boobka hantida shacabka oo ugu badan dhulalka kuwaas oo maalin kasta la isku haasto dhulalka shacabka ay leeyihiin.