Muqdisho (Raxanreeb) — Safiirkii Itoobiya u fadhiyay dalka Soomaaliya, Mukhtaar Maxamed Waare ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho, isagoo ku laabtay dalka Itoobiya.
Danjirahan, ma cadda in ay cayrisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in ay u yeertay dowladda Itoobiya.
Ma jirto wax war ah, oo kasoo baxay labada dal Soomaaliya, iyo Itoobiya ka bixitaanka Soomaaliya ee danjire Mukhtaar Maxamed Waare.
Bixitaankan, ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto xiisad kacsanaan labada dal ah, taasoo keentay isbuucii hore in Somaliland, ay Itoobiya heshiis is afgarad ah, ku galeen Addis Ababa, kaasoo ah, in Itoobiya la siiyay bad gaareysa 20km.
Somaliland, ayaa sheegtay dhulkaasi gaaraya 20km in ay ku baddalaneyso aqoonsi, inkastoo aysan Itoobiya awoodin, ama aysan aqoonsigeeda Somaliland, waxba u tareyn.
Itoobiya weli ma aysan xaqiijin in Somaliland, ay siin doonto aqoonsi rasmi ah, balse ay go’aan ka gaari doonto xilliga la siiyo dhulkaasi, 20km ah, kaddib ay mowqifkeeda caddeyn doonto.
Xaqiijin la’aantan ayaa bulshada Somaliland, ku nool ku abuurtay shaki badan oo ay ka qabaan Itoobiya in ay keliya dooneyso dhulkooda iyo baddooda, aysan rajo iyo ahmiyad toona ka lahayn aqoonsigooda.
Dhowaan ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya, ay kulan muhiim ah, la yeelatay xubnaha ka tirsan beesha caalamka, kaas oo uu kasoo muuqday danjiraha Itoobiya, ee Mukhtaar Maxamed Waare.
Shirkaasi, ayaa isugu yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, danjireyaasha beesha caalamka, iyadoo uga warbixisay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku aadan xadgudubka Itoobiya ay ku xad gudubtay madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Arrinta ugu yaabka badan ayaa ahayd in looga hadlayay shirkan xadgudubka Itoobiya ee Soomaaliya, kula kacday iyadoo danjiraha Itoobiya uu goobjoog ka ahaa.