Askar ku dhimatay gaari ciidan oo rogmaday

Muqdisho (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidan ka tiraan Nabad Sugidda uu rogmaday, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka aan helayno ayaa intaas kusii daraya in 5 askari ay ku geeriyoodeen shilkan, halka 8 askari oo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo culus, kuwaaasoo isla xalay loola soo cararay isbitaallada ku yaalla magaaalda Muqdisho.

Askartan shilka gashay ayaa la sheegay iney kusii jeedeen degmada Balcad oo maalmihii la soo dhaafay uu saldhig ka dhigtay taliyaha Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, isagoo halkaasi ka wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo burburinta xarumaha ay ku leeyihiin xadka gobolka Banaadir uu la leeyahay labada Shabeelle.

Saraakiil laamaha ammaanka ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in wadaha gaariga oo si xowli ah u waday gaariga cabsi qarax darteed uu sababay inuu rogmado gaariga, taasoo keentay inuu waddadii saxda eheydba uu dhinac kale uga boxo Cabdi Bilaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.