Niamey (Raxanreeb) — Tirada askarta la sheegay in lagu dilay weerar ka dhacay galbeedka Niger ayaa gaartay lixdan. Goob joogayaal ayaa tiriyay meydadka intii ay socotay aas wadareed oo uu goob joog ka ahaa wasiirka difaaca ee dalkaasi.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in sagaal iyo labaatan ay ku dhinteen weerar gaadmo ah oo Isniintii ay mintidiinta Islaamiga ah ku qaadeen gobolka Tahoua.
Ciidamo kale ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay. Weerarkan ayaa u muuqda kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Niger tan iyo markii madaxweyne Maxamed Bazoum lagu afgambiyay afgambi bishii July.
Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay inay tahay amni darrada dalka ka jirta. Bishii Agoosto dagaalyahannada jihaad doonka ayaa ugu yaraan toddobo iyo toban askari ku dilay galbeedka gobolka Tillaberi.