Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Maanta oo jimca ah waxa magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud waxaa kulan ku yeeshay xubno ka mid ah siyaasiinta isbedelka doonka la baxay ee koonfur Galbeed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa hoggaaminaya xubnahan Guddoomiyaashii hore ee Golaha shacabka , Maxamed Cusmaan Jawaari , Maxamed Mursal ,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno siyaasiin ah oo xilal ka soo qabtay dalka.
Siyaasiinta ayaa sida wararka ay sheegayaan ka degi waayay shalay magaalada Baydhabo culays la sheegay inuu kaga yimid dhanka madaxwaynaha koonfur Galbeed Laftagareen
Arintan oo uu soo fara galiyay Xasan Sheekh ayaa markii dambe la sheegay in madaxwaynaha uu ugu yeeray magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud halkaas oo ay uga hadlayaan waxa laga yeelayo doorashada koonfur Galbeed.
Wax xal ah lagama gaarin doorashada koonfur Galbeed xubnahan oo markii labaad la kulmay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala soo kulmin wax natiija ah oo salka ku haya doonistooda.
Leave a Reply