Askar lagu la’yahay howlgalka badbaadinta duufaanta Malawi

Askar lagu la’yahay howlgalka badbaadinta duufaanta Malawi

Malawi (Raxanreeb) — Labo askari oo Malawi u dhashay ayaa la waayay ka dib markii doonidii ay la socdeen ay talaadadii ka dagtay aagga koonfurta Mulanje. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu caqabad ku noqday webiga oo fatahay.

Askartan ayaa qayb ka ahaa lix qof oo shaqaale ah kuwaas oo u baxay samata bixinta dadka ku go’doonsan ka dib markii duufaanta Tropical Freddy ay ku dhufatay gobolka, sida uu sheegay wasiirka dawlada hoose Richard Chimwendo Banda.

Mr Banda ayaa sheegay in mid ka mid ah askarta la la’yahay lagu arkay geed dushiisa, islamarkaana ay wadaan dadaalo lagu soo badbaadinayo.

Duufaanta Freddy ee ku dhufatay waddanka aan bad lahayn ee Koonfur-bari Afrika dhammaadkii isbuucii hore, ayaa dishay in ka badan 200 oo qof. Xarunta ganacsiga Malawi ee Blantyre ayaa laga diiwaan galiyay inta badan dhimashada, oo ay ku jiraan tobanaan caruur ah.