Madaxda DFS & maamul- goboleedyada oo gaaray Baydhabo , yaa ka qayb galaya shirka

Madaxda DFS & maamul- goboleedyada oo gaaray Baydhabo , yaa ka qayb galaya shirka

Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer  iyo Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirka madasha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in Baydhabo ka furmo ayaa markii ugu horreysay ka dhacay meel ka baxsan Magaalada Muqdisho tan iyo doorashadii 15-kii May, 2022-ka uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo shirkaan diiradda lagu saari doona arrimaha doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.