Askari katirsan ciidanka dowladda oo si arxandaro ah udilay wiil dhallinyaro ah.

Askari katirsan ciidanka dowladda oo si arxandaro ah udilay wiil dhallinyaro ah.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in wiil dhallinyaro ah ku dilay xaafad katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana dilkan si weyn uga argagaxay qoyska wiilka iyo dadkii kale ee u jeeday markii la dilayay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ku baxay dad is dagaalayay ay toogteen wiilkan lagu magacaabo Cabduqaadir Axmed Xuseen, waxaan wiilkan la sheegay in lagu dilay meel u dhaw gurigooda xilli ay u jeedeen xubno qoyskiisa katirsan.

Dhanka kale, askarigii dilka geestay ayaa wararku sheegayaan in goobta isaga dhaqaaqay, waxaana falkan aad uga argagaxeen oo caddaalad ka dalbaday laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya qoyska wiilkan sida gardarada ah loo dilay.

Aabaha dhalay wiilka la dilay oo muuqaal laga duubay ayaa sheegay in uu ilmo adeer la yahay Marxuum Axmed Dowlo oo horey Muqdisho loogu gubay nolosha, waxa uuna codsaday in caddaaladda uu dalbanayo aysan noqon tii walaalkiis horey u waayay oo kale.

Waxa uu aabahan Soomaaliyeed sheegay in meydka wiilkiisa uu hadda ku jiro filinjeer, waxa uuna xusay in uusan duugi doonin iklaa uu caddaalad uga helo wiilkiisa uu sheegay in uu ahaa ubax usoo baxayay uuna ku taamayay in uu wax badan u taro.

Sikastaba, askarta ciidanka dowladda ayaa si micnodarro ah mararka qaar dad shacab ah ugu dila magaalada Muqdisho, askarta dilalka geesata ayaana la marsiin caddaalad iyaga oo baxsada, halka kuwa la xirayna xabsiyada ku jiraan iyada oo la marsiin ciqaabta dambiuyada ay geesteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.