Askari si arxan darro ah Timojare ugu dhex dilay nin shacab ahaa

Askari si arxan darro ah Timojare ugu dhex dilay nin shacab ahaa

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee Talaadiid shalay ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafada Cali Gololey, oo uu kala qeybisa degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda.

Dilkan ayaa yimid kadib markii marxuumka iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda, uu muran soo dhex galay kaas oo ahaa in la isku qabsaday Tima Jare, anaa kaa horreeya iyo anaa kaa horreeya, sida ay sheegeen ehelka, marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Sacad Cabdi Muuse.

Wiil uu dhalay marxuumka ayaa sheegay in aabahiisa loo dilay iga kac kursiga Timojaraha anigana ayaan kaa hormaraya.

“Aabahey waxaa la dhahay anaa fuulaayo ee ka kac Timojaraha, caawa wuxuu sariir ku saaran yahay adiga ma fuuleysid ee anaa fuulaayo ayuu mayd ku yahay” ayuu yiri wiilka marxuumka.

Sidoo kale gabar ka mid ah, ehellada ayaa sheegtay sida loo dilay marxuum Sacad, oo Abti u ahaa.

“Abtigeyga waxaa lagu dilay gar darro cad isaga oo Timo-jare fadhiyo gacan ka xaq darran ayaa dishay, waxaan dalbaneynaa in wax naloo qabto” ayay tiri.

Ehellada ayaa intaasi ku daray in aysan aasi doonin illaa uu caddaalad ka helayo marxuumka.

“Abitigey mala duugaayo inta aan ka heleyno cadaalad Firinjeerka ayuu noogu jirayaa” ayay tiri mar kale.

Eedeysanaha oo goobta kabaxsaday, ayaa lasoo werinayaa in ugu danbeyntii gacanta ay kusoo dhigeen Laamaha Amniga.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah, falalka foosha xun ee argagaxa badan, ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo saameyn xun ku yeeshay dadka shacabka ah.