ATMIS oo wareejisay amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka

ATMIS oo wareejisay amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, oo maanta si toos ah, ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Qaranka Villa Somalia.

La wareegistan ayaa timid kaddib 16 sano oo xriir ah, oo ay Amisom, (ATMS), sugeeysay amniga madaxtooyada iyo Golaha Shacabka iyagoo billaabay sannadkii 2007-dii ilaa 2023.

Munaasabad ballaaran o maanra ka dhacday Villa Somalia , ayaa ka qeeyb galay masu’uliyiin kala duwan, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxidiin, Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Cabdixakiin Maxamed Yuusuf, iyo Wakiillada Midowga Afriga, iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayay Ciidamada Xoogga Dalka kula wareegeen amniga guud oo madaxtooyada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay la wareegidda amniga ciimada xoogga dalka gaar ahaan guutada 77-aad ee qaabilsan amniga madaxda, isagoona ku tilmaamay inay tahay dib usoo laabasho iyo kabasho xooggan oo dhanka awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Ibraahim ayaa kormeer indho indheeyn ah, ku maray dhammaan ciidamada halka ay ka howlgalayaan iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin sugidda amniga madaxda dalka, isagoona u mahad celiyay ATMS.

Ciidamada cusub ee Xoogga Dalka, ayaa ka dhigan hadda kaddib in iyaga ay sugayaan amniga Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha dalka, guud ahaan Madaxtooyada Qaranka.

ATMS, ayaa dalka la wareegtay 2007-dii, xilligaasi oo la dhihi jiray Amisom, oo hadda loo baddelay ATMS.

ATMS, ayaa horey u wareejisay xerooyin ciidan kuwaas oo si toos ah, ula wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed sugidooda Amniga iyo howlgallada saldhigyadaasi.

Sidoo kale ATMS, ayaa la filayaa in wakhtigoodu ku egyahay dhammaadka sannadkan cusub ee dhalan doona December, 2024 guud ahaanba inay dalka isaga baxaan iyadoona amniga dalka la wareegayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wada howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab, kuwaas oo deegaano badan horey looga saaray halka duqeeymo qorsheysan lagu ugaarsado saraakiisha sarsare ee kooxda.

Soomaaliya, ayaa billowga bishaan December, laga qaaday cunaqabateyntii ugu muddada dheereeyd ee hubka taas oo saarneed 31 sano oo xiriir ah.