Liibiya oo laga raadinayo 60 muhaajiriin oo badda ku qarqamay

Liibiya oo laga raadinayo 60 muhaajiriin oo badda ku qarqamay

Tripoli (Raxanreeb) — Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Liibiya, iyo Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa wadajir u baadi-goobaya in ka badan 60 ruux oo tahriibayaal ah oo doontii ay la socdeen ku degtay xeebaha Dalkaasi.

Xogtan ayaa la ogaady markii lasoo badbaadiyay qaar ka tirsan dadkii la socday kuwaas oo sheegay in dad bani ay badda qarqisay una baahan gurmad badbaadin.

Dadkan laga soo badbaadiyay ayaa waxaa ka mid ahaa carruur inkastoo aan la shaacin tiradooda rasmiga ah, kuwaas oo xaaladdooda adagtahay maadama ay badda muddo ku jireen.

IOM ayaa la wareegtay mas’uuliyadda dadka lasoo badbaadiyay si ay u diiwaangeliso una xaqiijiyo dhalashada dalalkooda ugana shaqeyso sidii ay dib ugu celin lahayd waddamadooda.

Dadka tahriibeyaasha ayaa isku dayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee ka tagay xeebaha Liibiya ayaa ka badan 2,200 oo ruux oo dhammaan kasoo jeeda Qaaradda Afrika.

Sannad kasta kumannaan kun oo muhaajiriin ah, ayaa ku nafwaaye badda Mediterranean-ka kuwaas oo maciin bidaya sidii ay waddamada Yurub ku geli lahaayeen si noloshooda wax uga baddelaan.

Libya, ayaa ka mid ah, meelaha muhaajiriinta lagu qafaasho kuwaas oo madaxooda qofkiiba ay dul dhigaan kooxaga maafiyada loo yaqaano Magefi, $20,000 oo dollar qofkii aan bixina jirdil iyo dilba la isugu darayo.