ATMS iyo Al-Shabaab oo dagaal adag ku dhexmaray Afgooye

Afgooye (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal xooggan ku dhexmaray meelo kamid ah degmadaasi ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada ATMIS ku leeyihiin Buundada degmada Afgooye, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa innoo xaqiijiyay inay maqlayeen intii uu dagaalka socday hubka waaweyn oo ay ridayeen Ciidamada ATMIS, balse ma sheegin khasaaro kasoo gaaray dadka Shacabka.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa maanta ah mid deggan, waxaana warar kale aan heleyno ay sheegayaan in xalay sidoo kale ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ay ku dagaallameen xaafadaha Mukeyga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab.

Degmada Afgooye ayaa inta badan qaraxyo dilal qorsheysan ay ka geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab ayagoona sheegta masu’uliyadda weerarrada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.