Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)

Post

Sheekh Soomow: “Dadka fikirka Alshabaab keeney ee mas’uulka ah inta ayay fadhiyaan waa inay Towbadkeenaan”.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Isagoo maanta oo Isniin ah ka hadlayay shirka culuma’udiinka Soomaaliyeed ayaa Sheekh Soomow waxa uu sheegay in  ay adag tahay in lala dagaalamo fakarka Xagjirka ah. Waxa uu sheegay Soomow in dadkii lahaa faafinta fakarka xagjirka ah ay ku jiraan Dowladda Soomaaliya sidaas oo ay tahayna ay adag tahay dagaalkaas sida...

Post

Guddomiye Madaale” Weerarkii shalay inagama niyad jebin doono shaqada aan u heyno shacabkeena”

Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah dalka dib ugu soo laabtay ayaa booqday qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay weerarka kooxda Al- Shabaab ay shalay kusoo qaadeen Aqalka Dowladda Hoose ee...

Post

Shir u jeedkiisu yahay dhismaha Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah uga furmay shirka culuma’udiinka Soomaaliyeed. Shirkan waxaa ka qayb galaya culuma’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimid gudaha iyo Dibadda. Waxa uu socon doonaa shirkan muddo lix maalin ah waxaana inta uu socdo inta badan diirada lagu saari doonaa Qodobo ay...

Post

Garaad Jaamac ” Masiirka Laascanood lagama xukumayo Hargaysa “

Laascanood ( Raxanreeb ) Garaad Jaamac Garaad  iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa  gaaray  Laascaanood halkaas oo la filayo inuu ka furo shir aayo- ka talin ah. Boqolaal dadwaynaha ayaa Garaadka maanta oo Isniin ah ku soo dhaweeyay waddooyinka magaalaada Laascanood. Ammaanka magaalada Laascanood ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana waddooyinka qaar la dhigay ciidamo...

Post

MUQDISHO : Dilalka dadka rayidka oo ka sii socda.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Nin shacab ah oo waday gaari weyn oo shidaal u waday shirkada Faahiye ayaa lagu toogtay  barkontrol ku yaalla agagaarka dugsiga Hooyga Xamar ee Muqdisho. Dad ku sugan halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in askariga uu si xun ula dhacay rasaas darawalka oo ku qaylinaya war nin la yaqaana....

Post

DEG-DEG : Qarax xooggan oo ka dhacay degmada Xamarwayne.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Qarax weyn ayaa ka dhacay degmada xamarweyne ee gobolka banaadir. jugta qaraxa ayaa ah mid aad u weyn waxaana hada la maqliyaa dhawaqa rasaas ka dhaceysa goobta uu qaraxa ka dhacay. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada xamar weyne ee gobolka banaadir.

Post

DEG- DEG : Weerar ka dhacay duleedka Xarardheere.

Xarardheere ( Raxanreeb ) Dagaal xooggan ayaa ininka ka socda Deegaanka Beer-faarax oo waqooyiga ka xiga Degmada Xarardheere Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa Weerar ku qaaday Deegaankaas oo ay ku dhuumaalaysanaayeen khawaarijta Al Shabaab Saraakiisha ka tirsan Ciidamada ayaa warbaahinta Qaranka soomaliyeed u xaqiijiyay inay weerareen saldhig ay khawaarijtu ku lahaayeen Deegaankaasi...

Post

Shirkii ugu horeeyay ee amni oo lagu qabtay Xarardheere.

Xarardheere ( Raxanreebb) Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka Dhulka oo maalintii 5aad ku sugan magaalada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa Kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka gobolka iyo kan degmada Xarardheere. Kulankaan ayaa...

Post

Al- Shabaab oo laga saaray deegaanka Janaay Cabdalle ee Jubbadda Hoose.

Kismaayo ( Raxabreeb ) Ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa Kooxda Al- Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose. Ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaan Muhiimka ah, baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha Magaalada,Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka...