Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah uga furmay shirka culuma’udiinka Soomaaliyeed.
Shirkan waxaa ka qayb galaya culuma’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimid gudaha iyo Dibadda.
Waxa uu socon doonaa shirkan muddo lix maalin ah waxaana inta uu socdo inta badan diirada lagu saari doonaa Qodobo ay ka mid yihiin :
Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka.
Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo
Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.
Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan u furmay culimada Soomaaliyeed uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh.
Leave a Reply