Guddomiye Madaale” Weerarkii shalay inagama niyad jebin doono shaqada aan u heyno shacabkeena”

Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah dalka dib ugu soo laabtay ayaa booqday qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay weerarka kooxda Al- Shabaab ay shalay kusoo qaadeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Laamaha Amniga iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha, asigoona ka dhageystay warbixino la xariirta dhacdadii shalay.

Guddoomiye Madaale oo Warfidiyeenada kula hadlay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa uu Tacsi u diray shuhadadii ku naf weysay weerarkii shalay, asigoona caafimaad deg deg u rajeeyay inta waxyeelada ay soo gaareen, waxa uuna xusay in weerarkii shalay uusan ka niyad jibin doonin Maamulka Gobolka Banaadir shaqada loo haayo Bulshada Caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.