MUQDISHO : Dilalka dadka rayidka oo ka sii socda.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Nin shacab ah oo waday gaari weyn oo shidaal u waday shirkada Faahiye ayaa lagu toogtay  barkontrol ku yaalla agagaarka dugsiga Hooyga Xamar ee Muqdisho.

Dad ku sugan halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in askariga uu si xun ula dhacay rasaas darawalka oo ku qaylinaya war nin la yaqaana.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma sheegin sababaha dilka darawalkan , mana jiro war ka soo baxay maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho , marar badan waxaa ka dhacay dilal sidan oo kala ah oo loogu gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.