Muqdisho ( Raxanreeb ) Isagoo maanta oo Isniin ah ka hadlayay shirka culuma’udiinka Soomaaliyeed ayaa Sheekh Soomow waxa uu sheegay in ay adag tahay in lala dagaalamo fakarka Xagjirka ah.
Waxa uu sheegay Soomow in dadkii lahaa faafinta fakarka xagjirka ah ay ku jiraan Dowladda Soomaaliya sidaas oo ay tahayna ay adag tahay dagaalkaas sida uu yiri.
“Dadka fikirka Alshabaab keeney ee mas’uulka ah inta ayay fadhiyaan waa inay Towbadkeenaan” Sheekh C/qaadir Soomow.
Intaas waxa uu hadalkiisa ku daray in marka hore lala dagaalamo kan gudaha dambe la qaado talaabada xigta ee ah in banaanka lala dagaalamo.
” Dadkii shalay faafiyay fakarka xagjirka ayaa maanta xilal haya ama waa siyaasi ” ayuu raaciyay hadalkiisa Sheeku Soomow.
Si kasta shirka ka socda magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan la dagaalka xagjirka iyo dagaalka hadda socda.
Leave a Reply