Garaad Jaamac ” Masiirka Laascanood lagama xukumayo Hargaysa “

Laascanood ( Raxanreeb ) Garaad Jaamac Garaad  iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa  gaaray  Laascaanood halkaas oo la filayo inuu ka furo shir aayo- ka talin ah.

Boqolaal dadwaynaha ayaa Garaadka maanta oo Isniin ah ku soo dhaweeyay waddooyinka magaalaada Laascanood.

Ammaanka magaalada Laascanood ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana waddooyinka qaar la dhigay ciidamo ka qayb qaata amniga.

Garaadka oo meel fagaara ah kula hadlay dadkii soo dhaweynayay ayaa sheegay in Dadka reer laacsanood aan loogu talin doonin Somaliland.

Waxa uu sheegay in Garaad Jaamac in  Somaliland haddii ay go’ ayso iyada ay u taala hase ahaatee dadka Laascanood ay ka mid yihiin Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.