Shirkii ugu horeeyay ee amni oo lagu qabtay Xarardheere.

Xarardheere ( Raxanreebb) Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka Dhulka oo maalintii 5aad ku sugan magaalada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa Kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka gobolka iyo kan degmada Xarardheere.

Kulankaan ayaa looga hadlayay adkaynta Amniga Degmada Xarardheere iyo joogeynteynta howlgalada lagu xoreynayo deegaanada kale ee Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Xarardheere oo haatan wajahaya xaalado bini’aadanimo, asagoona baaq u diray DFS iyo beesha caalamkaba inay la soo gaaraan gargaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.