Muqdisho (Raxanreeb online) – Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay aaga isgooska Ex-koontarool Afgooye ilaa Soonakey, waxaana dagaalka salka ku hayaa dhul la sheegay in ciidamada dowladda bur burinayeen. Sidoo kale, Ciidamo katirsan dowladda balse u abaabulan qaab qabiil ayaa dagaal kala hortagay ciidamo kale...
Author: mowliid A (mowliid A)
Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale sheegay in ay ka go’an tahay in doorasho qof iyo cod ah la qabto sanadka 2026-ka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2026-ka, inkastoo ay kasoo horjeesteen labada hoggaamiye ee dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah. Madaxweyne Maxamuud oo Khamiistii ka hadlayay Magaalada Muqdisho,...
Howlgalka kala guurka kaalmeynta Qaramada Midoobay oo bilowday ee Soomaaliya.
Muqdisho (Raxanreeb) – Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa hawgalladiisa bilowday shalay oo ay taariikhdu aheyd 1 November, isagoo beddelaya Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Sidoo kale, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in UNTMIS uu xaqiijinaya sida ay...
Dowladda Soomaaliya oo dagaal beeleed ku tilmaantay dagaalka udhexeeyo SSC-Khaatumo iyo Somaliland.
Muqdisho (KAAB TV) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaannada Qorilugud iyo Shangeed, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimaho iyo dhaawac. Sidoo kale, War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay ugu...
Maamulka Somaliland oo sheegtay in dagaalka kasocdo deegaanka Qorilugud ay ka dambeyso DF.
Hargeysa (Raxanreeb online) – Maamul goboleedka Somaliland, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu ka dambeeyay duullaan ay ciidamada maamulka Khaatumo State ku qaadeen deegaanka Qorilugud ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka socda deegaano hoostaga Buuhoodle yihiin duullaan...
Madaxweynaha Somaliland Oo Wacad Ku Maray In Ay Taageeri Doonaan Is-Afgaradka Ay La Galeen Itoobiya.
Hargeysa (Raxanreeb online) – Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay inaanay Somaliland ka laaban doonin fulinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxeexatay Itoobiya, inkasta oo ay jiraan mucaarad iyo cadaadis kaga imanaya dhinacyada dibadda. Madaxweynaha oo wareysi siinayay BBC-da ayaa yiri “Wax iska bedelay ma jiraan; sidii ay ahaan jirtay ayay ahaanaysaa.” Biixi,...
Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Farmaajo Oo Dhaliilay Go’aamadii NCC Kuna Baaqay Dawlad Loo Dhan Yahay.
Doxa (Raxanreeb online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u dhaliilay go’aannada ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo ku eedeeyay Golaha inay sii xumeynayaan kala qeybsanaanta siyaasadeed, isla markaana ay wiiqayaan midnimada Soomaaliya. Dhaleeceynta Farmaajo ayaa timid kadib shirkii NCC oo ku dhamaaday is afgarad la’aan, taasoo uu ku...
Golaha Wasiiradda oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim ah oo dowladda lagashay Shiinaha.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha...
Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Qaramada Midoobay ee UNSOM loogu wareejinayo UNTMS.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muujisay taageerada iyo mahadcelinta go’aankii dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ugu beddelayo howl cusub oo ku meel gaar ah oo loo yaqaanno Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMS). Kala-guurkan, oo ay billowday Wasaaradda Arrimaha...
Dagaal culus oo ka dhacay Koonfurta Mudug.
Mudug (Raxanreeb online) – Iska horimaad culus ayaa ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta Mudug, halkaasi oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalameen maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda oo ay wehlinayeen dadka deegaanka ay weerar jihooyin badan leh ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi. Saraakiisha...








