Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha

Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha

Kismaayo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay guddi ka kooban 10 qof kuwaas oo loo xilsaaray dhibaatada ka taagan deegaannadaasi ee ah, fatahaadda.

Guddigaan ayaa loo xilsaaray inay caawiyaan ayna samata bixiyaan dadka wax yeellobay fatahaadda ku dhufatay deegaannada maamulka Jubbaland.

“Kadib fatahaadihii ka dhacay dhammaan deegaanada Jubbaland, taas oo galaafatay naf iyo maal, wuxuu madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam halkan ku magacaabayaa guddiga gurmadka fatahaadaha dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri wax qoraal ah, oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Guddigan ayaa guddoomiye loogu dhigay Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, oo ah, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Masiibooyinka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Axmed Muxumed, halka xoghaye looga dhigay Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

Guddigan ayaa xubnahiisa kala ah, magacyadooda.

1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maxamed Yuusuf Cumar

2-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Cadar Ismaaciil Cabdullaahi

3-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir

4-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ibraahim Xasan Cabdi

5-Guddoomiyaha gobollka Jubbada Hoose Xasan Cabdi Guure

6-Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

Deegaannada Jubbaland intooda badan ayaa ka taagan xaalad adag oo nololeed taas oo sababtay fatahaadda roobab mahiigaan ah, iyo Wobiga halka ay ka barakaceen deegaannadooda qoysas badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay duufaanta Élńinó, taas oo aad looga digayay Soomaaliya, inay dhibaato baahsan ka geysato.