Kulan looga hadlayay amniga deegaannada Cadalle & Raage Ceelle oo ka dhacay Cadalle

Kulan looga hadlayay amniga deegaannada Cadalle & Raage Ceelle oo ka dhacay Cadalle

Cadalle (Raxanreeb) — Cadalle gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle, ayaa ka dhacay kulan looga arrinsanayay amniga Cadalle, Raage Ceelle iyo deegaannada hoostaga oo dhowaan ay ku dagaallameen malleeshiyo beeleed kawada tirsanaa hal beel.

Kulankan ayaa isugu imaadeen Wasiiro katirsan maamulka Hirshabeelle iyo laamaha garsoorka ciidamada amniga Maamulka deegaannada Cadalle iyo Raage Ceelle ayagoona ugu danbeeyntii goa’aamiyay qof kastoo amniga liddi ku ah, in gacan bir ah, lagu qaban doono.

Sidoo kale maamullada Cadalle iyo Raage Ceelle ayaa ballan qaaday in laamaha amniga u gudbinayaan cid kastoo ku dhaqmeysa falal amniga liddi ku ah, kuwaas oo ka dhaca deegaanno hoostaga Cadalle iyo Raage Ceelle.

Dahnka kale ciidamo Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa gacanta ku haya amniga guud ahaanba deegaannadaasi lagu dagaallamay bilo ka hor.

Dagaallada maleeshiyaadka ayaa soo cusboonaaday sannadkii hore 2022 halka sannadkan 2023 ay kasii dareen halka dhowr iyo 10 qof la iska dilay labada dhinac sidoo kalena guryaha ayaa deb la qadabsiinayay.