Garoowe (Raxanreeb online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Wakiilada Puntland ayaa looga hadlay xulista xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo shalay lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.
Ugu horeyn Baarlamaanka Puntland ayaa hambalyo u diray xildhibaanada cusub ee Jubbaland, wuxuuna u rajeeyay inay ku guuleystaan howlaha loo igmaday.
“Waxaa annigoo ku hadlaya Afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hambalyeynayaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Jubbaland. Tallaabadani waxay muujineysaa guul laga gaaray Hanaanka hirgalinta nidaamka Federaalka, kaas oo dhigayaa in Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay masuul ka yihiin Arrimohoda gudaha. Waxaan rajeynayaa inay si hufan oo mas uuliyad leh uga shaqeyn doonaan horumarinta iyo daryeelka shacabka Jubbaland, iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen waddooyinka nabadda iyo horumarka.” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Mudane Guddoomiye Cabdirisaq Axmed Siciid wuxuu sidoo kale si gaar ah u mahadceliyay Odayaasha Dhaqanka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Jubbaland, kuwaas oo si wanaagsan u gutay waajibaaadkooda soona xulay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada, iyadoo loo maraaayo hanaanka dooorasho iyo dastuuur ee Jubaland.
Leave a Reply