Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo la hadlay Dagaalka Dowladda Federaalka ee Musuqa ayaa sheegay in Ka maxkamad ahaan dagaalkaas ay qayb ka yihiin maadaama uu dhibaato weyn ku yahay Dalka.
Garyaqaan Baashe ayaa tilmaamay in Maxkamadda Sare Dalka in qofkii lagu helo Musuq-maasuq la marin doonno ciqaabta uu mudan yahay si ay ugu waana-qaataan Dadka kale una noqoto kahortagga wax isdaba-marinta.
Baashe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay go’aan ku gaartay ciribtirka Musuqa si looga hortago dhibaatooyinka taban ee laga dhaxlo, waxaana uu soo dhaweeyay Xafiisyada ay shaqo wadaagga yihiin shaqooyinka dhinacaas la xiriira oo ay wadaan.
“Ka maxkamad ahaan waxaan ballanqaadeynaa qofka lagu helo Musuq-maasuq in la marin doono ciqaabta uu mudan yahay, Haddii aynu rabno in aan meel fog gaarno oo aan aragno Soomaaliya oo ka fog Musuqa waa in aan usoo jeesanaa xannuunka Soomaalidu dilay ee Musuqa, Dad baan u xireynaa oo aan u maxkamadeyneynaa” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Waxa uu intaas ku daray in la dagaalanka Musuqa uu ka socda xafiis iyo xarun weliba oo Dowladeed si looga hortago dadka ku howlan wax isdaba-marinta, hay’adaha Shaqada ku leh howshaan ayuu u dalbay in lala shaqeeyo.
“Meesha ay tahay in aynu ka billowno la dagaalanka Musuqa waa Xafiisyadeenna, waajib ayaa naga saaran in aan la dagaalno Musuqa, la inaga aqbali maayo dadbaan u xirxireynaa, dad baan u maxkamadeyneynaa, anaga xafiisyadeennu nadiif ma ahan, la inaga ma dhageysan karo” Ayuu yiri Garyaqaan Baashe Yuusuf.
Xafiisyada Hantidhowrka Qaranka iyo Xeer ilaalinta ayaa wadajir u caddeeyay in ay jiraan kiisas lagu raad-joogo oo la xiriira hanti maqan, waxaa socda baaris lagu hayo shaqsiyaad Dowladda katirsan & kuwo shaqo wadaag ka ah balse kiiskooda marka go’aan laga gaaro la ogaan doonno.