Taliyahii hore ee Millitariga DFS Odawaa oo xilka ku wareejiyay Axmed Aadan

Taliyahii hore ee Millitariga DFS Odawaa oo xilka ku wareejiyay Axmed Aadan

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa maanta xilka kala wareegay Gen. Odawaa Yuusuf Raage taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga oo xilkaan hayay tan iyo sanadkii 2019.

Munaasabad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayay xilalka iyo dukumiintiyada ciidanka ku kala wareegeen Taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Odowaa Yuusuf Raage.

Intaas kaddib waxa ay ku kala xog-qaateen howlaha shaqo ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo Taliska Militariga Soomaaliya uu waday ee u baahan dhammeystirka si taliyaha cusub uu kasii ambaqaado halka howshu mareyso.
Dhinaca kale, Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Gen. Axmed Aadan waxa uu xilka kala wareegay Taliyihii xilkaan hayay ee Gen. Maxamed Tahliil Biixi, sidaas oo kale munaasabadda waxaa ku sugnaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Labada Taliye ee Ciidanka Xoogga Dalka & Ciidamada Dhulka waa Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Axmed Aadan waxa ay ballanqaadeen in ay dardargelinayaan howlaha shaqo ee horyaalla ciidamada DF & xoojinta wadashaqeynta qaybaha kale ee shaqooyinka ka dhaxeeyaan.