Bangladesh: 18 qof oo ku dhintay qarax xooggan oo ka dhacay dalkaas

Bangladesh: 18 qof oo ku dhintay qarax xooggan oo ka dhacay dalkaas

Dhaka (Raxanreeb) — Qarax xooggan ayaa laga maqlay dhisme ku yaalla goob aad u mashquul badan oo ku taalla caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka, waxaana wararku sheegayaan inay qaraxaas ku dhinteen ugu yaraan 18 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalkaas.

Sidoo kale waxaa jiray laba qarax oo kale oo dhowaan ka dhacay dalkaas, taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa illaa 28 qof.

Ciidamada booliska ee Dhaka ayaa u sheegay VOA in cusbitaallada la dhigay illaa 140 qof oo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen qaraxan ka dhacay magaaladaas.

Taliyaha horkacayey ciidanka dabdamiska ee gurmadka u fidiyey dhismahaas oo lagu magcaabo Rashid Khaled ayaa sheegay inay gurmadka degdegga ah ka hawlgaleen illaa 11 kooxood oo ka mida ciidamadooda, si loosoo badbaadiyo dadka ku soo jira burburka dhismayaasha.

Illaa haatan ma jirto cid loo maxkamadeeyey weeraradan sida joogtada ah ugu soo laabaanaya dalkaas.