Madaxdii hore ee dalka oo ka biyo diiday muddo kordhin ay wataan Xasan iyo xulafadiisa

Madaxdii hore ee dalka oo ka biyo diiday muddo kordhin ay wataan Xasan iyo xulafadiisa

Muqdisho (Raxanreeb) — Qaar ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo xilligan ugu saameynta badan dalka ayaa si weyn uga hor yimid qorshe ay madaxda Dowladda Federaalka ugu sameysan rabto muddo kororsi.

Qoraal wadajir oo ay soo wada saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Siyaasiyiintan qoraalka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeeddadiisu tahay muddo kordhin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaad’ida aas aasiga ah ee Dastuurka.

Tan iyo bishii June Xasan sheekh iyo xulafadiisa ayaa dagaal toos ah, la galay Kooxda Al-Shabaab taasoo sababtay in laga xoreeyo deegaano badan oo ay maamulayeen ku dhowaad 16 sano.

Maamul goboleedyada oo intooda badan sameeyay wax ka baddelid Dastuurka Maamulka ayagoona ku darsaday min 1 sanno oo kursi sii joogis taasoo ugu danbeeysay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.