Bannaanbaxyo looga soo horjeedo xarigga Jeneraal Sheegoow oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo xarigga Jeneraal Sheegoow oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka billowday dibadbax ay dhigayaan dadweyne ka careysan xarigga Jeneraal Sheegow oo ay shalay soo xireen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya beesha uu kasoo jeedo Jeneraalka, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaahan ayaa ka yimid dhanka degmada Wadajir, iyaga oo qaaday laamiga dheer ee tega Zoobe, kadibna waxa ay u gudbeen dhanka waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha oo ku qaylinayo erayo ka dhan ah dowladda ayaa gudaha u galay goobo ganaccsi oo ku yaala laamiga Buulo Xuubey oo lasoo wariyay in dhibaatooyin ay ka geysteen.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhanka kale dadaallo wada ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo isku dayaya inay xakameeyaan dibadbaxayaasha.

Arrintaan ayaa daba socoto xarigga Jeneraal Sheegow oo loo haysto eedeymo culus, kaas oo shalay lagu soo qabtay dagaal culus oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley.

Xariggiisa ayaa carro xoogan dhaliya6, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay qaabka loo soo xiray markii lasoo qabanayay sarkaalkaasi.

Waxaa sidoo kale arrinta uga sii daray markii uu taliska Booliska sheegay in ninkan uusan aheyn Jeneraal, balse uu yahay Kabtan hore oo laga ruqseeyay ciidamada, taas oo ay si weyn uga hortimid beesha uu kasoo jeedo.