BIDEN “Israa’ii dekad KMG ah ayay ka dhisanaysaa GAZA”

BIDEN “Israa’ii dekad KMG ah ayay ka dhisanaysaa GAZA”

GAZA ( Raxanreeb )- Xiisadda u dhaxeeysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa sii kordhaysa , iyadoo dhanka kale ay socdaan dadaalada lagu doonayo in Marinka GAZA ay ka dhaqan gasho xabad joojin rasmi ah.

In Maxaabiista la kala haysto la isku wareejiyo isla markaan si KMG ah loo dhaqan galyo xabad joojin waa qayb ka mid ah waxyaabaha uu u Ololaynayo Mareykanka oo ku lug leh sii socoshada dagaalka.

Madaxweyne Biden ayaa ku dhowaaqay qorshe ay milaatriga Maraykanku doonayaan inay deked ku meelgaar ah kaga dhisaan xeebta Gaza ee badda Midatareeniyaanka si looga dejiyo sahay gargaar.

Waxa uu sheegay inaan ciidamo Maraykanka ah oo halkaas fadhi ku yeelanayn. Waxa u sheegay in in dekedda ku meelgaarka ka ah ay kordhin doonto gargaarka galaya Gaza. Waxa uu sheegay in Israel looga baahan yahay doorkeeda inay ciyaarto.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ka sheegay hadalkan khudbaddii sannadlaha ahayd ee madaxweynayaasha Maraykanku oo u u jeediyay Labada Aqal ee Kongareska ee Sanatka iyo Aqalka Hoose ee wakiillada.

Joe Biden ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay siyaasadda arrimaha dibedda iyo gudaha, waana khudbaddiisii 3-aad ee noocan ahayd tan iyo inyii uu xilka la wareegay January 2020-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.