Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay ‘walxa qarxa iyo ninkii waday’

Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay ‘walxa qarxa iyo ninkii waday’

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen degmada Deyniile kusoo qabtay walxaha qarxa iyo ninkii waday, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Howl-galkan oo si gaar ah uga dhacay xaafada War-laliska ee degmada Deyniile ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka baarista dembiyada.

Ninkan ay ciidamadu kusoo qabteen walxaha qarxa ayaa xilligaasi ku waday Mooto Bajaaj, waxaana magaciisa lagu sheegay Xasan Nuur Cali, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliska.

“Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta degmada Deyniile gaar ahaan WAR–LALISKA ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Khawaarij Xasan Nuur Cali oo walxaha qarxa ku waday Mooto Bajaaj Guduud ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu qirtay inuu rabay waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan, iyada oo ciidamadu halkaasi ku qarxiyeen miinadii uu waday dhagar qabaha la qabtay.

Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.