LIIBIYA  : Muhaajiriin Afrikan ah oo ku dhintay doon ay saarnayeen

LIIBIYA  : Muhaajiriin Afrikan ah oo ku dhintay doon ay saarnayeen

Liibiya (Raxanreeb ) In ka badan 55 qof ayaa geeriyootay dooni  ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM.

Waxaa ku jira dadka masiibadu ay haleeshay caruur iyo haween, kuwaas oo qayb ka ahaa safarka qatarta badan ee muhaajiriintu ay  ku gaarayaan dalalka Yurub.

Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba maraan.

Kooxaha badbaada ayaa sheegay in la soo badbaadiyay keliya shan qof kuwaas oo ka soo kala  jeeda dalalka Masar iyo Syria.

IOM ayaa sheegtay in sannadkan oo keliya ay badda ku dhinteen illaa 537 muhaajiriin ah, halka la badbaadiyey ama safarkooda tahriibka laga joojiyey in ka badan 4,300 oo muhaajiriin ah.

Dalalka Tuunisiya iyo Liibiya ayaa kamid ah meelaha ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya inay gaaraan Yurub iyagoo sii maraya marinka dhexe ee badda Mediterranean-ka.

Qaar badan oo muhaajiriin Afrikaan ah, riyada ah inay gaaraan Yurub waxay ku bilaabataa safar ay ku maraan qaaraddooda oo inta badan ku lug leh inay ka gudbaan dhulka Saxaraha oo ay u sii maraan dalalka Waqooyiga Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.