Boosaaso: Shacab bannaanbaxayay oo lagu rasaaseeyay

Boosaaso (Raxanreeb) — Ciidamada ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta rasaaseeyay dad shacab ah oo bannaanbax kaga hortagay Xubno katirsan guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo Xukuumadda u dirtay Magaalada Boosaaso si ay u soo qiimeeyaan goobo lagu qabanayo doorashada.

Dadka ayaa kasoo horjeeday qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee ah in 12 degmo laga qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo siyaasiyiintii doorashada kula tartamay Madaxweynaha Puntland ay sheegeen in uu kaga gol leeyahay Madaxweynaha muddo kororsi.

lama oga khasaaraha dadka Shacabka ah kasoo gaaray rasaasta lagu furay, waxaana xaalad kacsanaan ah Maanta laga dareemayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli Magaalada Garoowe ay ka dageen Wafdi caalami ah oo ka socda Beesha Caalamka, sidoo kalena dhawaan maleeshiyaad hubeysan ay si xoog ah kula wareegeen Agab loogu talo galay doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.