Cabdi Xaashi oo kulan la qaatay ku xigeenka wakiilka Qm

Muqdisho (Raxanreeb) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kiki Gbehu.

Kulanka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa diiradda waxa ay ku saareyn “Adkaynta taageerada QM ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo sidii Aqalka Sare gacan looga siin lahaa howlaha shaqo ee hortabinta u leh” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Aqalka Sare.

ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Midoobay Kiki Gbehu ayaa Guddoomiyaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi uga mahadcelisay soo dhaweynta uu u sameeyay, Xafiiskiisa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku bogaadiyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kiki Gbehu dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in ay adkeeyaan wax ka qabashada Abaaraha.

Madaxda ugu sarreysa Dalka ayaa Muqdisho ku qaabishay todobaadkaan qaar ka mid ah saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay, oo ay ka wada hadleyn wax ka qabashada Abaaraha, xilli ay Soomaaliya ay ka jirto Abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.