Cabdikariin Guuleed oo kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub

Cabdikariin Guuleed oo kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub

Muqdisho (Raxanreeb) — Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleyn sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda FS & Somaliland.

Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Kulanka uu Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed uu la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann ayaa ka mid ah kulamo uu Ergeygu la yeelanayo wakiillada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay sidii loo dardar galin lahaa arrimaha wadahadallada.