Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Jubbaland oo muddo dheer jooga xukunka maamulka Jubbaland ayaa hadda bilaabay Olole siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu ku helo isbahaysi siyaasadeed.
Axmed Madoobe ayaa kulamadiisa waxa ay xoogooda ay ka dhacayaan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo ubuc u ahayd Axmed Madoobe muddo sanada ah .
In muddo ah Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh waxa uu ahaa mid mugdi uu ku jiro , waxaana la sheegay in khilaafkooda uu salka ku hayo arrimaha gobolka Gedo.
Siyaasiinta isha – ku haysa xaalada gobolka ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jubbaland uu isku diyaarinayo markale inuu wajaho Madaxwaynaha talada dalka haya ee Xasan Sheekh.
Xog RBC ay heshay ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jubbaland uu Xasan Sheekh kala hadlay tagitaanka gobolka Gedo hase ahaatee taas uu ka biyo diiday Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiriirkii lumay sanado badan ka hor ayuu hadda dib u raadinayaa Axmed Madoobe , taa soo lagu micneeyay mid uu isku diyaarinayo dagaalka uu la gali doono Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
Tabashooyin badan ayaa wali siyaasiinta Jubbaland ay ka qabaan , hanaanka maamulka ee aan isbedelin ee maamulkaas taas oo ku timid siyaasadda Axmed Madoobe oo ku dhisan dagaal siyaasadeed .
Arimahan oo dhan ayaa la leeyahay waxa Axmed Madoobe uu qaaday , markii fara – galinta imaaraadka ee Soomaaliya dib ay u soo laabtay oo ay kala shaqeeyaan sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dalka Itoobiya
Leave a Reply