Cagjar ‘’Waa la ciqaabayaa askrigii dilay xildhibaanad aweeriya Subcis‘’

JigJiga (Raxanreeb ) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  ayaa looga hadlay dil shalay magaalada Jigjiga loogu gaystay xildhibaan ka tirsanayd Barlamaanka Dowlad deegaanka.

Qoraalka ka soo baxay Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa lagu sheegay inuu Madaxwaynaha uu ka xun yahay  falkaas lagu dilay  AUN Xildhibaan Jaweeriya Subcis.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in hay’adaha Amnigu ay gacanta ku hayaan baarista dhacdadan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

‘’ Waxaan gacanta ku haynaa askarigii falkaas ka danbeeyay waxa uu marayaa cadaalada ,  laaamaha amnigana waxa ay wadaan baaritaan ku saabsan sida uu u bilowday iska hor imaadka ‘’ ayuu yiri Madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga.

Dad kale oo ay ku jiraan mas’uuliyion ayaa sidoo kale ku dhaawacmay arrintan oo la sheegey in ka dhalatay muran ka dhex dhacay Soomaalida iyo xabashida garoonka Garaad Wiil-waal

Leave a Reply

Your email address will not be published.