Muxuu ahaa howlgalka  laga fuliyay Degmada Wadajir ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay kula dagaalamayaan dhallinyarada dhaca ka gaysta magaalada Muqdisho ka fuliyay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howlgaladan ayaa ciidanka waxa ay ka fuliyeen degmada Wadajir halkaa soo ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka amni dari ee ay ka gaystaan kooxaha cayaal-weerada.

Dhallinyaradaan oo gaaraya ilaa 5 ayaa Maamulka degmada Wadajir uu soo bandhigay Magacyadooda iyo Sawiradooda, waxaana lagu kala Magacaabaa.

Maamulka degmada wadajir ee magaalada Muqdisho oo soo bandhigay magacyada kooxahan ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo falalka amni daro.

Ciidanka ammaanka degmada wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga , waxaana la arkayaa ciidanka oo xiliyada habeen gaafwareegayo waddooyinka.

Bilihii bilihii la soo dhaafay waxa yaraaday  Kooxaha dhaca ka gaysta Muqdisho gaar ahaan   Ciyaal weerada kuwaas oo dhac ku haya Shacabka Muqdisho .

Leave a Reply

Your email address will not be published.