Nin lagu qabtay madaxa iyo xubinka taranka qof lab ah lagasoo jaray oo la xiray

Mozambique (Raxanreeb) — Nin ayaa lagu xiray gobolka Sofala ee dalka Mozambique ka dib markii lagu eedeeyay haysashada madaxa iyo xubinka taranka oo lagasoo jaray nin kale, sida ay boolisku sheegeen.

“Caruur ayaa heshay qaybo ka mid ah jidhka bini-aadmiga oo bac ku jira magaalada Nhamatanda waxayna ku war geliyeen booliska,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Sofala Dércio Chacate.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagusoo xiray ninka oo markii dambe qirtay in uu dilay nin, isla markaan ka jaray xubinkiisa taranka iyo madaxa oo uu bac kusii qaatay si uu u iibiyo.

Eedaysanaha ayaa qirtay in uu sidan ku sameeyay ilaa saddex dulmane oo kale, ayuu yiri Mr Chacate.

Jidhka biniaadmiga waxaa adeegsada “dhaqaatiir dhaqameed” sheega in ay xanuunada qaar kaga daweynayaan dadka, nolol fiicanna ay helayaan haddi ay u keenaan xubnaha dadka oo lasoo jaray.