Cali Guudlaawe oo wada abaabul ka dhan ah Al-Shabaab

Cali Guudlaawe oo wada abaabul ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ka billaabay abaabul ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ si looga hortago weerarrada lagu qaadayo ciidamada dhawaan ay qabsadeen.

Cali Guudlaawe ayaa deegaanka Guulane kula kulmay Saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo kuwa Deegaanka isaga oo kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgallada & dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

War kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu si gaar ah ula kulmay Taliyaha Guutada 3aad Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka waxyaabaha ay kawada hadleen waa in howlgallada la kordhiyo.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa markale Shacabka ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dagaalka looga soo horjeedo ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay weli ka joogaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ qaybta 1aad waxa uu xooggiisa ka socdaa Dowlad-Goboleedyada Xad-wadaagga ah ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug, wajigiisa labaad waxa uu qorshihiisu yahay in laga billaabayo Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland.